Madaxweyne Guuleed oo jawaab ka bixiyay mooshin ay xildhibaanada ka gudbiyeen (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa jawaab ka bixiyay mooshinkii xilka ka qaadista ahayd oo ay maalintii shalay ka gudbiyeen xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug.

Madaxweyne Guuleed ayaa xildhibaanadaasi ugu baaqay inay la noqdaan mooshinkaasi maadaama xilligaan uu dalka ku jiro xaalad adag, oo aanay habooneyn in la abuuro xiisad siyaasadeed.

Sidoo kale, madaxweyne Guuleed ayaa ugu baaqay xildhibaanadaasi inay ka qeyb qaataan gurmadka loo fidinaayo dadka ku dhibaateysan deegaanada Galmudug oo ay abaaruhu ku dhufteen.

Dhinaca kale, xildhibaano badan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maalintii shalay shaaciyay in mooshin xil ka qaadis ah ay ka gudbiyeen madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, kadib markii ay caroodeen is-hortaag uu madaxweynaha ku sameeyay kulan ay xildhibaanadaasi ku yeelan lahaayeen magaalada Cadaado.

error: Content is protected !!