Xog iyo Gorfeyn:- Doorashada guddoonka baarlamaanka iyo saameynta ay yeelan karto

Ololaha musharixiinta ku tartamaya guddoomiyaasha labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya iyo ku-xigeenadooda ayaa haatan maraaya meeshii ugu dambeysay, iyadoona xilalkaasi ay ku tartami doonaan illaa 22 musharax.

La-yaab maleh in musharixii badan ay ku loolamaan xil-qaran, taasi waa hiddo siyaasadeed iyo hanqal taag xildoon balse waxaa mudan in halbeeg lagu sameeyo musharixiinta iyo heerka uu gaarsiisan yahay hankooda siyaasadeed.

Ma ahan xaalad ugub ah inay musharixiin badan isku diiwaan-geliyaan xil doonis, balse waxaa mugdi ku jira qaabka ay cod bixiyayaasha ugu codeeyaan musharixiintaas.

Sidoo kale, ma ahan wax lala yaabo in musharixiin lagu xusho xeelado kala duwan, sida aan ka dheehan karno doorashooyinkii soo maray dalka, gaar ahaan doorashooyinkii ugu dambeeyey ay kusoo baxeen xildhibaanada labada Aqal oo iyaga su’aal ka taagan tahay qaabka loo soo doortay, waana yar tahay inuu murashax helo taageero badan, isagoo aan wax laaluush ah u dhiibin dadkii isaga u cimaamadi lahaa xilkaas.

Waxay aheyd mashaqo siyaasadeed oo ay dadka soomaalida iyo beesha caalamka ka muujiyeen doorashadaasi, iyadoona sidoo kale qeylo dhaan laga keenay doorashadii ka kala dhacday magaalooyinka maamul goboleedyada dalka, waana la dareemi kara inay doorashadaasi 100% ka fogeyd doorasho hufan oo lagu kalsoonaan karo.

Xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka cusub Soomaaliya ayaa laga dareemi karaa inay ku kala aragti duwan yihiin sidii ay ku wajihi lahaayeen siyaasadda iyo doorashadda madaxda cusub ee dalka Soomaaliya.

Warar hoose ay heleyso warbaahinta Bulshoweyn ayaa sheegaya inay jiraan dhowr xildhibaan oo ku mideysan qaab beeleed, maamul gobaleed, mid kooxeysi iyo danley kala socota, kuwaas oo go’aanka ay kala qaataan saameyn ku yeelan karta cod bixinta guddoonka baarlamaanka iyo tan madaxtinimadda ee la filaayo in lagu kala baxo kahor bishaan aynu ku jirno ee January 20-keeda.

Sidoo kale, waxaa jira xildhibaano damacsan uljeedo badan oo illaa iyo haatan aan jabaqdooda la maqlin, balse lagu soo baraarugi doonno marka la gaaro xilliga cod-bixinta ee uu musharax kasta oo madaxweyne u heelan yahay inuu qaab kasta adeegsado, si mar uun uu ugu guuleysto kursiga ugu sareeya dalka.

Waxaa hubaal ah in xildhibaanada haatan u xuub siibanaayo heerka qaranka inay weli cadiifad beeleed iyo tii maamul goboleed weli u tahay mudnaanta koowaad inta lagu jiro xilligaan kala guurka siyaasadeed.

Xildhibaanadaasi ayaa laga yaabaa inay albaabka ka laabtaan marjaca maamul gobaleedyada, hadii lagu kala baxo doorashadda madaxda cusub, gaar ahaan tan madaxweynaha 10-aad ee dalka Soomaaliya.

Dhinaca kale, waxaa haatan si weyn loo hadal haayaa in doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya ay saameyn aad u ballaaran ku yeelan doonto doorashadda madaxtinimada dalka, waxayna yareyn doontaa damaca musharixiinta u taagan xilka madaxtinimadda.

Hadii musharaxa guddoomiyaha Aqalka hoose uu kusoo baxo musharax beel hebel, waxay saamayn ku yeelan kartaa isla musharaxa u taagan xilka madaxtinimada ee ay isku beesha yihiin guddoomiyaha la dooran doonno.

Ugu dambeyntii, doorashada sanadkaan ayaa la dhihi karaa waa doorasho ku hor gudbanaan doonta jid-gooyooyin badan oo laga dhaxlay xaaladda meertadda xilligaan ay wax ku kala qeybsadaan dadka Soomaalida ah.

Si kastaba ha ahaatee, su’aasha aynu weydiinayno aqristayaasha ku taxan bogga Bulshoweyn ayaa ah “Ma laga yaabaa inay doorashadda guddoonka baarlamaanka saamayn ku yeelato doorashadda madaxtinimada dalka ee dhawaan dhici doonta doorashadeeda?.

error: Content is protected !!