XOG:- Shaki iyo hubanti la’aan hareeysay isbaheysiga doorasho ee Cumar C/rashiid iyo Sanbaloolshe

Waxaa shaki weyn iyo hubanti la’aan hareeysay isbaheeysiga doorashada madaxtinimada dalka ee ka dhaxeeya ra’iisul wasaaraha xukuumadda federaalka Soomaaliya Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke iyo xildhibaan C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe).

Ilo xog-ogaal ah oo ku dhaw xafiiska ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid Cali Sharmaarke ayaa warbaahinta Bulshoweyn u xaqiijiyay inay jirto kalsooni darro ku aadan dhaq-dhaqaaqa xildhibaan C/laahi Sanbaloolshe oo muddooyinkii dambe noqday mid ka mid ah taageerayaasha ugu weyn ee Cumar C/rashiid.

Xildhibaan C/laahi Maxamed Cali (Sanbaloolshe) oo lagu yaqaan fudeyd siyaasadeed iyo mowqifyo qayaxan ayaa jagadda xildhibaanimo ku helay gacan uu siiyay madaxweynaha Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble, isagoo markaas kadib iska dhigay xildhibaan mucaarad weyn ku ah soo laabashada madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Dhinaca kale, shakiga iyo hubanti la’aanta hareeysay doorashada C/laahi Sanbaloolshe iyo ra’iisul wasaare Cumar C/rashiid ayaa sii xoogeystay kadib markii madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ka baxay isbaheysigii Shariif Xasan ee doorashadda sanadkaan.

Wixii xilligaasi ka dambeeyay kooxda Cumar C/rashiid ayaa waxaa galay tuhun ah in C/laahi Sanbaloolshe oo hore gacan-saar weyn la lahaa kooxda Damjadiid uu uljeedkiisu yahay inuu kala tuuro qorshaha musharaxnimada madaxweyne ee Cumar C/rashiid.

Kooxda ololaha doorasho ee Cumar C/rashiid ayaa markii dambe kusoo baraarugay in C/laahi Sanbaloolshe oo hore gacan-saar weyn la lahaa kooxda Damjadiid uu uljeedkiisu yahay inuu burburiyo qorshaha musharaxnimada madaxweyne ee Cumar C/rashiid.

Ugu dambeyntii, C/laahi Sanbaloolshe ayaa la sheegaa inuu yahay qof aan sahlanayn, islamarkaana kursiga xildhibaanimo uu kusoo baxay ay ka dambeeyeen kooxda Damjadiid oo uu xubin ka ahaa, inkastoo markii dambe ka mid noqday xildhibaanada sida weyn uga soo horjeeda in madaxweyne Xasan Sheekh uu markale doorashada madaxtinimada ku guuleysto.

error: Content is protected !!