C/kariin Xuseen Guuleed oo xaalad deg deg ah kusoo rogay maamulka Galmudug (AKHRISO)

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa isagoo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya galabta kaga dhawaaqay inuu xaalad deg-deg ah kusoo rogay maamulka Galmudug.

War-qoraal ah oo kasoo baxay madaxweyne C/kariin Guuleed ayuu ku sheegay in xildhibaano ka tirsan maamulkiisa ay maanta ku dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen, kuwaas oo uu ku tilmaamay inay yihiin dad qas-wadayaal ah.

Qoraalkaasi oo ku saxiixan madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa lagu sheegay in ciidamada ammaanka ee maamulka Galmudug loo xil saaray fullinta xaaladda deg-dega ah ee uu madaxweynaha kusoo rogay Galmudug.

error: Content is protected !!