Dhalinyaro lagu soo eedeeyay falal galmo iyo basaasnimo ah oo la dilay

Wararka naga soo gaaraya degmada Bu’aale ee xarunta gobolka J/dhexe ayaa sheegaya in dagaalyahano ka tirsan Al-shabaab ay maanta halkaasi ku dal-daleen dhalinyaro lagu soo eedeeyay dambiyo kala duwan.

Seddaxdaasi nin ee dhalinyaradda ah ayaa lagu soo eedeeyay inay ku kaceen fal isku-galmood iyo basaasnimo ah, waxaana uu xukunka dilkooda ah ka dhacay fagaare ku yaala degmada Bu’aale.

Labo dhalinyaro oo ka mid ah seddaxdaasi wiil ee la dal-dalay ayaa lagu kala magacaabi jiray Isxaaq Abshiroow oo 20 jir ah iyo C/risaaq Sheekh Cali oo 15 jir ah, waxaana lagu soo eedeeyay inay isku galmoodeen, sidaas daraadeedna dil lagu xukumay, iyadoo gelinkii danbe ee maanta dilka lagu fuliyay.

Ninka seddaxaad oo lagu magacaabayay Saciid Maxamed Cali ayaa isna lagu soo eedeeyay dambi ah inuu ka tirsanaa sirdoonada ay tababareen ciidamada Itoobiya ee jooga gudaha dalka Soomaaliya, waxaana lagu toogtay isla goobta lagu dilay labadii kale ee dhalinyaradda ahaa.

error: Content is protected !!