Faroole “Hadii Xasan Sheekh laga guuleysto waa inuu xilka banneeyaa” (DHAGEYSO)

Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland ahna xildhibaan ka tirsan Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya C/raxmaan Sheekh Maxamed Faroole ayaa maanta ka dhoofay magaalada Garoowe ee xarunta maamulka Puntland, isagoo kusii jeeda magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

C/raxmaan Faroole oo saxaafadda kula hadlay garoonka diyaaradaha magaalada Garoowe kahor inta uusan dhoofin ayaa sheegay inuu weli yahay musharax u taagan doorashada xilka madaxweynaha Soomaaliya.

C/raxmaan Faroole oo hore si weyn u diidanaa inuu Xasan Sheekh soo laabto ayaa tilmaamay in loo baahan yahay ninkii xilkaasi kusoo baxa lala shaqeeyo.

“Soomaaliya waxaa u rajeynayaa cid kastaba oo la doorto in lala shaqeeyo, hadii Xasan Sheekh laga guuleysto waa inuu xilka banneeyaa, sidii aan aniguba sameeyay oo kale, hadii uu soo laabtana waa in lala shaqeeyaa” Sidaasi waxaa yiri C/raxmaan Faroole.

Dhinaca kale, C/raxmaan Faroole ayaa ugu baaqay ganacsatada magaalada Muqdisho inay taageero u diraan dadka abaartu ku dhufatay ee deegaanada Puntland, isagoo sheegay in Muqdisho ay lacag badan taalo, islamarkaana loo baahan yahay in lacagahaasi lagu kaalmeeyo dadka baahan.

Sidoo kale, wuxuu C/raxmaan Faroole caddeeyay in hore dadka Muqdisho ay ugu gurmadeen duufaantii Sunaami oo hore uga dhacday deegaanada Puntland, laakiin xilligaan ay xaaladdu kasii darran tahay.

“Dadka ganacsatada ee Muqdisho ku sugan waxaan ugu baaqayaa inay u gurmadaan walaalahooda ay abaaruhu ku dhufteen ee ku sugan deegaanada Puntland, Muqdisho lacag badan baa taalla, waxaa loo baahan yahay in lacagahaasi wax laga gaarsiiyo dadka dhibaateysan” Ayuu hadalkiisa raaciyay C/raxmaan Faroole.

Ugu dambeyntii, C/raxmaan Faroole ayaa sheegay inuu haatan ku wajahan yahay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya, balse uu marka hore ka qeyb gali doonno doorashada guddoonka dib ugu soo laaban doonno magaalada Muqdisho isagoo ka qeyb gali doonna doorashada Soomaaliya.

error: Content is protected !!