Guddoomiye Tarsan oo jawaab kulul ka bixiyay xil ka qaadistii C/kariin Xuseen Guuleed

Guddoomiyihii hore ee maamulka gobolka Banaadir ahna musharax haatan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa jawaab kulul ka bixiyay xil ka qaadistii ay qaar ka mid ah xildhibaanada maamulka Galmudug ku sameeyeen madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

War-qoraal ah uu Mr. Tarsan soo dhigay bartiisa Twitter-ka ayuu ku sheegay in arrintaan ay bilaw u tahay kacdoon looga horjeedo fashilka, kooxeysiga iyo kuwa dhacay hantida qaranka.

Kulanka maanta ka dhacay magaalada Cadaado ayaa waxaa kasoo qeyb-galay illaa 59 xildhibaan, waxaana 54 ka mid ah xildhibaanadaasi ay codka kalsoonida ah kala laabteen madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, iyagoo sheegay inay xilkii ka qaadeen islamarkaana uu si KMG ah xilkaasi usii heyn doono madaxweyne ku-xigeenka maamulkaasi Maxamed Xaashi Carabeey.

Dhinaca kale, C/kariin Xuseen Guuleed oo ka hadlay xil ka qaadista lagu sameeyay ayaa ku gacan seyray, wuxuuna sheegay inay tahay tallaabo sharci darro ah oo ay abaabuleen caddowga shacabka iyo horumarka Galmudug.

error: Content is protected !!