Iska hor-imaad muddo kooban socday oo ka dhacay degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho

Ciidamo ka wada tirsan dowladda federaalka Soomaaliya ayaa maanta iska hor-imaad geystay qasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac ku dhexmaray agagaarka Bacadlaha degmada X/weyne ee magaalada Muqdisho.

Iska hor-imaadkaan ayaa la sheegay inuu ka dambeeyay kadib markii gaari ay wateen ciidamo hubeysan uu diiday inuu u hogaansamo amarka ciidamada ilaaladda ah ee ku sugnaa barta Ceelgaabta u dhow, taasoo keentay inay labadaasi ciidan tacshiirad is-dhaafsadaan.

Inta la xaqiijiyay waxaa iska hor-imaadka ku geeriyootay 2 ka mid ah askartaasi, waxaana sidoo kale ku dhaawacantay seddax kale, sida ay inoo xaqiijiyeen saraakiil ka tirsan dowladda federaalka Soomaaliya oo aynu xiriir la sameeynay.

Dad badan oo ku sugnaa goobta uu iska hor-imaadka ka dhacay ayaa la sheegayaa inay goobtaasi ku kala carareen.

Dhinaca kale, ciidamo badan oo ka tirsan kuwa dowladda federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay markii dambe gaareen goobta ay labada ciidan isku fara-saareen, waxayna ciidankaasi gacanta ku dhigeen gaarigii rasaasta furay.

Si kastaba ha ahaatee, waxaa muddooyinkii ugu dambeysay soo badanaayay iska hor-imaadyadda u dhaxeeya ciidanka dowladda federaalka Soomaaliya, taasoo ay ugu wacan tahay anshax xumida ciidamada dhexdooda iyo maleeshiyada fara badan ee ciidamada u eg oo ilaalo u ah saraakiisha iyo madaxda ka tirsan dowladda Soomaaliya.

error: Content is protected !!