Madaxweyne Xasan Sheekh oo digniin kasoo saaray xasillooni darro siyaasadeed oo ka dhacda Galmudug

Madaxweynaha Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya, Mudane Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka digay xasillooni darro siyaasadeed oo xiligaan ka dhacada degaanada dowlad goboleedka Galmudug oo horumar ku tallaabsaday mudada uu jiro.

Madaxwweynaha ayaa sheegay inaan xiligaan la aqbali karin khalalaase siyaasadeed ee u dhaxeeya xildhibanaada iyo madaxda dowlad goboleedka Galmudug , iyada oo la ilaalinayo, habraaca baarlamaanka Galmudug islamarkaana la dhowro fasaxii uu ku jiray baarlamaanka Galmudug iyo dastuurka Galmudug.

Ugu dambeyntii, Madaxweynaha ku baaqay in la texgeliyo daruufaha gaarka ah ee ka jira degaanada Galmudug, sida abaaraha iyo dagaalka lagula jiro Kooxaha Nabad diidka ah

–Dhammaad–
Shador Haji
Agaasimaha Warfaafinta
Madaxtooyada Soomaaliya
E-mail: shadorhaji@presidency.gov.so
www.villasomalia.gov.so

error: Content is protected !!