War-murtiyeed deg-deg ah oo kasoo baxay xafiiska madaxweynaha maamulka Galmudug (AKHRISO)

Madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed oo ay maanta xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulkiisa ku dhawaaqeen inay xilkii ka qaadeen ayaa soo saaray war-murtiyeed deg-deg ah uu kaga jawaabayo arrinkaas.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa war-murtiyeedka ku sheegay in wax waliba oo kasoo baxa goobta lagu magacaabo  Badbaado ee magaalada Cadaado aanu aqbali doonin, islamarkaana wax halkaasi ka socda ay dhamaan yihiin sharci darro iyo fowdo ay wadaan dad qas-wadayaal ah.

Kulanka xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ay ku yeesheen magaalada Cadaado ayaa waxay xilka kaga qaadeen madaxweyne C/kariin Guuleed, waxaana kulankaasi shir guddoominaayay gudoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

Xareed Cali Xareed ayaa kulanka kadib sheegay in sida ugu dhaqsiyaha badan lagu soo magacaabi doono guddi doorasho oo soo diyaariya doorashada madaxweyne cusub ee uu maamulkaasi yeelan doonno.

 

error: Content is protected !!