DEG DEG:- Prof. Jawaari oo ku guuleystay doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka xildhibaanada baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya oo maanta ay dooranayeen guddoomiyaha cusub oo afarta sanno ee soo socota baarlamaanka hogaamin doonna.

Tirada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta codeeysay doorashada ayaa waxay gaarayeen illaa 259 xildhibaan, waxaana natiijo hordhac ah oo la helaayo ay sheegayaan inuu doorashada ku guuleystay Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari.

Inkastoo aan weli la shaacinin natiijadda rasmiga ah ee doorashada ayaa hadane waxaa doorashadaasi ku tartamaayay illaa 4 musharax, waxayna codadka u kala heleen sida soo socoto:-

1- Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari, wuxuu helay 141 cod

2- C/rashiid Maxamed Xidig, wuxuu helay 97 cod

3- C/fitaax Ibraahim Geesey, wuxuu helay 17 cod

4- Idirs Aadan Dhakhtar, wuxuu helay 2 cod

Waxaa halaabay 2 cod

Daqiiqadaha soo socoto ayaa la filayaa in guddiga doorashada baarlamaanka uu shaaciyo natiijadda doorashada.

Prof. Jawaari ayaa la sheegayaa inuu 2 cod ka saro maray inta laga rabay qofka loo dooranaayo xilka guddoomiyaha baarlamaanka Soomaaliya.

Maalinta berri ayaa la filayaa in doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka Soomaaliya ay dhacdo, iyadoona ay ku tartami doonaan musharixiin aad u badan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!