DEG DEG:- Si toos u daawo doorashada guddoonka baarlamaanka oo haatan si rasmi ah u bilaabatay

Waxaa goordhaw xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona xildhibaanada ay haatan si toos ah u codeeynayaan.

Doorashada ayaa haatan ku socoto si deganaan ah, iyadoona aanay jirin wax buuq ama khilaaf oo weli ka dhashay.

Xildhibaan soo xaadirtay ayaa tiro ahaan gaaraya illaa 256 xildhibaan, wuxuuna xildhibaan kasta codkiisa u dhiibanayaa si qarsoodi ah.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashada maanta ay noqonayso illaa seddax wareeg, waxayna sheegeen in wareega ugu dambeeya lagu kala bixi doono.

Musharixiinta ku tartameeysa xilka guddoonka baarlamaanka ayaa kala ah:-

1- Prof. Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari

2- C/rashiid Maxamed Xidig

3- Idiris Cabdi Dhaqtar

4- C/fitaax Ibraahim Geesey

error: Content is protected !!