DEG DEG:- Wafdi uu hogaaminayo C/kariin Xuseen Guuleed oo gaaray magaalada Cadaado

Wafdi uu horkacaayo madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayaa goordhaw gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Madaxweynaha iyo wafdigiisa ayaa si aan caadi ahayn looga soo dhaweeyay garoonka magaalada Cadaado, waxayna markii dambe u gudbeen xarunta maamulka Galmudug ee ku taalo magaalada Cadaado.

Ilaa 54 xildhibaan oo ka tirsan baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa maalintii shalay codka kalsoonida ah kala laabtay madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed, kadib markii ay madaxweynaha ku eedeeyeen inuu curyaamiyay howlihii ka socday maamulkaas.

Dhinaca kale, banaanbax aad u balaaran islamarkaana lagu taageerayo go’aankii ay xildhibaanada maamulka Galmudug xilka uga qaadeen madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed ayaa maanta ka dhacay magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud, iyadoona xaaladda magaaladaaasi ay maanta tahay mid qasan.

Saacadaha soo socdo ayaa la filayaa in madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu shir jaraa’id ku qabto xarunta maamulkaasi oo ku taala magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa la filayaa inuu ka hadlo xil ka qaadista ay ku sameeyeen xildhibaanada baarlamaanka maamulka Galmudug, kadib markii ay dhaliilo kala duwan u jeediyeen.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!