Dhismaha xabsi aad u weyn oo si casriyeysan laga dhisaayo magaalada Muqdisho (SAWIRO)

Waxaa xaruntii hore ee taliska ciidanka asluubta Soomaaliyeed ee magaalada Muqdisho ka socota dhismaha xabsi weyn oo si casri ah loo dhisaayo, islamarkaana ka badalan qaabkii loo dhisi jiray xabsiyadii hore ee magaalada ku yaalay.

Dhaqaalaha dhismaha xabsigaan ku baxaaya ayaa la sheegayaa inay bixinayaan beesha caalamka, waxaana uu dhismihiisa ka koobnaan doonnaa qolol maxaabiista lagu xiro, goobo waxbarasho oo dadka xabsiga lagu soo xiro lagu baraayo cilmiga kala duwan.

Sidoo kale, waxaa xabsiga laga dhex dhisi doonnaa guryo ay ku shaqeeyaan garsoorka, meelo loogu talo galay in maxaabiista xiran ay ku qaataan nasiino iyo madadaalo, garoomo kubada lagu ciyaaro iyo barkadaha dabaasha.

Dhinaca kale, muuqaalka xabsigaan ayaa la sheegayaa inuu noqon doonno mid ka duwan xabsiyadda kale islamarkaana soo jiita indhaha dadka maxaabiista ah ee halkaasi lagu xiro, marka loo eego xabsiga weyn ee Xamar oo haatan dadka lagu xiro, kaas oo la sheegayo inuusan laheyn adeegyo dhameystiran.

error: Content is protected !!