Faah faahin:- Dagaal dhimasho iyo dhaawac geystay oo maanta ka dhacay gobolka Galgaduud

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa dagaal gelinkii dambe ee maanta ka dhacay degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, kaas oo sida la sheegay u dhaxeeyay labo maleeyshiyo beeleed oo degmadaasi wada-degan.

Dagaalkaasi ayaa la sheegayaa inuu ku bilawday nin u dhashay beesha mid ka mid ah labadaas maleeyshiyo beeleed oo lagu dilay degmada Caabudwaaq.

Labada dhinac ayaa la sheegayaa inay dagaalka isku adeegsadeen hubka noocyadiisa kala duwan, waxaana la xaqiijiyay inay dagaalkaasi ku geeriyootay illaa 5 qof, iyadoona 10 kale ay ku dhaawacantay.

Dadka dhaawaca soo gaaray ayaa la sheegayaa in islamarkiiba loola cararay xarumaha caafimaad ee ku yaala degmada Caabudwaaq.

Dhinaca kale, xaaladda degmada Caabudwaaq ayaa caawa ah mid aad u kacsan, waxaana xiisad colaadeed laga dareemayaa labada maleeyshiyo beeleed ee halkaasi ku dagaalamay.

Si kastaba ha ahaatee, ma ahan markii ugu horeeysay oo dagaal ceynkaan oo kale uu ka dhacdo degmada Caabudwaaq, iyadoona ay xusid mudan tahay in degmadaasi ay sidaan oo kale maleeyshiyo beeleed hore ugu dagaalameen balse heshiis la dhex dhigay labada dhinac.

error: Content is protected !!