Xaalada magaalada Muqdisho oo maanta ka badalan sidii hore iyo wadooyinka qaarkood oo xiran (SAWIRO)

Waxaa maanta isbadel aan caadi ahayn laga dareemayaa qaar ka mid ah wadooyinka ku yaala magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, iyadoona wadooyinkaas maanta ay gebi ahaan xiran yihiin islamarkaana aanay jirin wax dhaq-dhaqaaq ah.

Ciidamo badan oo isugu jira nabad-sugidda qaranka iyo booliska Soomaaliyeed ayaa maanta lagu daadiyay wadooyin ay ka mid yihiin Makka Al-Mukaramma, KM4, Zoobe, Wadnaha iyo 21 October ee magaalada Muqdisho, waxaana gebi ahaan la joojiyay isku socodka gaadiidka iyo dadweynaha ee ka jiray waddooyinkaas.

Sababta ugu weyn ee loo xiray waddooyinkaasi ayaa la sheegayaa inay tahay doorashada guddoonka baarlamaanka Soomaaliya oo maanta lagu wado inay ka dhacdo xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, iyadoona ay xusid mudan tahay in wadooyin qaar ay hore u xirnaayeen.

Inta badan dadka shacabka ah ee hore u isticmaali jiray waddooyinkaasi ayaa maanta u muuqda dad hore ugu talo galay arrintaan, iyagoo ka baaqsaday shaqooyinkoodii kadib markii ay saameyn ku yeelatay arrimaha ammaanka ee magaalada Muqdisho.

error: Content is protected !!