DEG DEG:- Codadka wareega koowaad ee guddoomiye ku-xigeenka labaad oo la tiriyay (Yaa Ku Horeeya)

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka xildhibaanada baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya oo maanta ay dooranayeen guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka oo afarta sanno soo socota guddoonka baarlamaanka ka mid noqon doonna.

Tirada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta codeeysay doorashada ayaa waxay gaarayeen illaa 259 xildhibaan, waxaana natiijo hordhac ah oo la helaayo ay sheegayaan inuu doorashada weli lagu kala bixin.

Inkastoo aan weli la shaacinin natiijadda rasmiga ah ee doorashada ayaa hadane waxay musharixiinta ku tartameeysa guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka u kala heleen sida soo socota:-

1- Mahad Cabdalla Cawad, wuxuu helay 71 cod

2- C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, wuxuu helay 51 cod

3-  Prof. C/raxmaan Aadan Ibraahim Ibbi, wuxuu helay 36 cod

4-  Burhaan Aadan Cumar, wuxuu helay 26 cod

5-  C/laahi Goodax Barre, wuxuu helay 18 cod

6-  Xuseen Cabdi Cilmi, wuxuu helay 14 cod

7-  C/weli Maxamed Qanyare Afrax, wuxuu helay 12 cod

8-  Cilmi Maxamed Nuur, wuxuu helay 12 cod

9-  Maryan Axmed Haaruun, waxay heshay 10 cod

10- C/laahi Xuseen Cali, wuxuu helay 8 cod

Waxaa halaabay 1 cod

Waxaa loo gudbi doonnaa wareega labaad ee tartanka doorashada guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaaanka Soomaaliya, waxaana isugu soo hari doonna Afarta musharax ee ugu codka badan, hadii aanay tanaasul jirin.

Musharixiinta u gudbi doonta wareega labaad ayaa kala ah:-

1-  Mahad Cabdalla Cawad, wuxuu helay 71 cod

2- C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, wuxuu helay 51 cod

3-  Prof. C/raxmaan Aadan Ibraahim Ibbi, wuxuu helay 36 cod (Wareega Labaad Ayuu Tanaasuli Doonnaa)

4-  Burhaan Aadan Cumar, wuxuu helay 26 cod (Wareega Labaad Ayuu Tanaasuli Doonnaa)

Hadii labo musharax isugu soo harto, midkii helaa 139 cod ayaa ku guuleysan doonna xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka Soomaaliya, waxayna musharixiinta isugu soo hari doonto ay kala yihiin:-

1- Mahad Cabdalla Cawad oo helay 71 cod

2- C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, wuxuu helay 51 cod

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!