DEG DEG:- C/weli Ibraahim Muudeey oo ku guuleystay xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka xildhibaanada baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya oo maanta ay dooranayeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo afarta sanno soo socota ka mid noqon doonno guddonka baarlamaanka Soomaaliya.

Tirada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta codeeysay doorashada ayaa waxay gaarayeen illaa 259 xildhibaan, waxaana natiijo hordhac ah oo la helaayo ay sheegayaan inuu doorashada ku guuleystay C/weli Sheekh Ibraahim Muudey.

Inkastoo aan weli la shaacinin natiijadda rasmiga ah ee doorashada ayaa hadane waxaa doorashadaasi wareegii labaad ku tartamaayay illaa 2 musharax, waxayna codadka u kala heleen sida soo socoto:-

1-  C/weli Sheekh Ibraahim Muudey, wuxuu helay 165 cod

2-  Faarax Sheekh C/qaadir, wuxuu helay 94 cod

Daqiiqadaha soo socoto ayaa la filayaa in guddiga doorashada baarlamaanka uu shaaciyo natiijadda doorashada, waxaana haatan la bilaabayaa tirinta codadka doorashada gudoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka.

Dhinaca kale, waxaa maalmaha soo socdo la filayaa in la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano soo socoto hogaamin doonna dalka, waxaana doorashadaasi ku tartami doona musharixiin aad u badan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!