DEG DEG:- Mahad Cabdalla Cawad oo ku guuleystay xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka xildhibaanada baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya oo maanta ay dooranayeen guddoomiye ku-xigeenka labaad ee baarlamaanka oo afarta sanno soo socota ka mid noqon doonno guddonka baarlamaanka Soomaaliya.

Tirada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta codeeysay doorashada ayaa waxay gaarayeen illaa 259 xildhibaan, waxaana natiijo hordhac ah oo la helaayo ay sheegayaan inuu doorashada ku guuleystay Mahad Cabdalla Cawad.

Mahad Cabdalla Cawad ayaa la tartaamayay musharaxa kale oo lagu magacaabo C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, waxayna codadka u kala heleen sida soo socota:-

1-  Mahad Cabdalla Cawad, wuxuu helay 169 cod

2-  C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi, wuxuu helay 85 cod

Dhinaca kale, doorashada guddoonka baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa sanadkan ahayd mid xiiso gaar leh, waxaana haatan meesha ka baxay dhowr musharxiin oo loo saadaalinayay inay tartanka ku guuleysan doonaan.

Ugu dambeyntii, maalmaha soo socdo ayaa la filayaa in la qabto doorashada madaxweynaha Soomaaliya ee afarta sano soo socoto hogaamin doonna dalka, waxaana doorashadaasi ku tartami doona musharixiin aad u badan.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!