DEG DEG:- Si toos u daawo doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka

Waxaa goordhaw xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho ka bilaabatay doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoona xildhibaanada ay haatan si toos ah u codeeynayaan.

Doorashada ayaa haatan ku socoto si deganaan ah, iyadoona aanay jirin wax buuq ama khilaaf oo weli ka dhashay.

Xildhibaanada soo xaadirtay ayaa tiro ahaan la sheegayaa inay gaarayaan illaa 259 xildhibaan, wuxuuna xildhibaan kasta codkiisa u dhiibanayaa si qarsoodi ah.

Guddiga doorashada ayaa sheegay in doorashada maanta lasoo gaba-gabeyn doonto islamarkaana la dooran doonno guddoomiye ku-xigeenka koowaad iyo labaad ee baarlamaanka Soomaaliya.

Musharixiinta ku tartameeysa xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa kala ah:-

1- Faarax Sheekh C/qaadir

2- Khadiijo Maxamed Diiriye

3- Jeylaani Nuur Iikar Sheekh Suufi

4- C/weli Sheekh Ibraahim Muudey

5- Khaalid Macoow C/qaadir

6- Saciid Xuseen Ciid

Sidoo kale, musharixiinta ku tartameeysa xilka guddoomiye ku-xigeenka labaad ayaa kala ah:-

1- C/qaadir Sheekh Cali Baqdaadi

2- Mahad Cabdalla Cawad

3- Burhaan Aadan Cumar

4- C/laahi Xuseen Cali

5- C/weli Maxamed Qanyare Afrax

6- Xuseen Cabdi Cilmi

7- C/laahi Goodax Barre

8- Cilmi Maxamed Nuur

9- C/raxmaan Aadan Ibraahim

10- Maryan Axmed Haaruun

error: Content is protected !!