DEG DEG:- Yaa ku horeeya codadka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka (AKHRISO)

Waxaa goordhaw lasoo gaba-gabeeyay tirinta codadka xildhibaanada baarlamaanka cusub ee federaalka Soomaaliya oo maanta ay dooranayeen guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka oo afarta sanno ee soo socota baarlamaanka hogaamin doonna.

Tirada xildhibaanada baarlamaanka ee maanta codeeysay doorashada ayaa waxay gaarayeen illaa 259 xildhibaan, waxaana natiijo hordhac ah oo la helaayo ay sheegayaan inuu doorashada weli lagu kala bixin.

Inkastoo aan weli la shaacinin natiijadda rasmiga ah ee doorashada ayaa hadane waxay musharixiinta ku tartameeysa guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka u kala heleen sida soo socota

1- C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey, wuxuu helay 111 cod

2- Faarax Sheekh C/qaadir, wuxuu helay 94 cod

3- Khadiija Maxamed Diiriye, waxay heshay 26 cod

4- Saciid Xuseen Ciid, wuxuu helay 17 cod

5- Khaalid Macoow C/qaadir, wuxuu helay 7 cod

6- Jeylaani Nuur Iikar, wuxuu helay 4 cod

Waxaa loo gudbi doonnaa wareega labaad ee tartanka doorashada guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaaanka Soomaaliya, waxaana isugu soo hari doonna Afarta musharax ee ugu codka badan.

Musharixiinta u gudbi doonta wareega labaad ayaa kala ah:-

1- C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey oo helay 111 cod

2- Faarax Sheekh C/qaadir oo helay 94 cod

3- Khadiija Maxamed Diiriye oo heshay 26 cod, (Wareega Labaad Way Ka Tanaasuli Doontaa)

4- Saciid Xuseen Ciid oo helay 17 cod (Wareega Labaad Wuu Ka Tanaasuli Doonnaa)

Hadii ay labadaasi musharax tanaasul sameeyaan waxaa isugu soo hari doonno labada musharax ee ugu codadka badan, waxaana midkii helaa 139 cod uu ku guuleysan doonna xilka guddoomiye ku-xigeenka koowaad ee baarlamaanka Soomaaliya, waxayna labada musharax ee isugu soo hari doonto kala yihiin:-

1- C/weli Sheekh Ibraahim Muudeey oo helay 111 cod

2- Faarax Sheekh C/qaadir oo helay 94 cod

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah.

error: Content is protected !!