Beesha caalamka oo qoraal cajiib ah kasoo saartay khilaafka ka taagan maamulka Galmudug

War-saxaafadeed kasoo baxay beesha caalamka ayaa walaac aad u weyn lagu muujiyay xaaladda siyaasadeed ee ka taagan Galmudug iyo mooshinkii xilka looga qaaday madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

War-saxaafadeedka oo ay si wadajir ah usoo saareen wakiilada beesha caalamka ayaa mowqif dhex-dhexaad ah ka istaagay xaaladda siyaasadeed ee maamulka Galmudug, waxayna ku baaqeen in xal loo helo xiisadda, islamarkaana aanay arrintaasi keenin iska hor imaad.

Wakiiladda Qaramada Midoobay, Midowga Afrika, Midowga Yurub, IGAD, Talyaaniga, Belgium, Netherlands, Sweden ayaa ugu baaqay madaxda iyo xildhibaanada maamulka Galmudug ugu baaqay inay si hoose u dhameeyaan khilaafka kasoo dhex cusboonaaday.

Waxay madaxda beesha caalamka sidoo kale ugu baaqday dhammaan dhinacyada ay khuseeyso ee Galmudug, shacabka, ciidamada ammaanka inay bilaabaan falkasta oo lagu joojin karo colaadda, sidoo kalena looga hortagi karo rabashadaha.

“Muranka hada ka jira Galmudug ee u dhaxeeya xubnaha xildhibaanda iyo madaxweynaha, waa muhiim in si dhaqsi leh loo dhameeyo, si aysan u abuurin xaalad amni daro ah” Ayaa lagu yiri war-saxaafadeedka kasoo baxay beesha caalamka.

Baaqaan kasoo yeeray wakiiladda beesha caalamka ayaa imaanaya xilli dhawaan xildhibaanada maamulka Galmudug ay kalsoonida kala laabteen madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed, taas oo keentay in madaxweyne Guuleed uu si deg-deg ah ugu laabto magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Madaxweyne C/kariin Xuseen Guuleed ayaa haatan wadahadalo la-leh qeybaha kala duwan ee bulshada iyo xildhibaanada mooshinka ka keenay, wuxuuna ku dadaalayaa sidii uu xal uga gaari lahaa xubnaha baarlamaanka ee mooshinka ka keenay.

error: Content is protected !!