C/kariin Xuseen Guuleed oo xil ka qaadis ku sameeyay wasiir ka tirsan Galmudug (AKHRISO)

Wareegto uu maalintii shalay soo saaray madaxweynaha maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed ayuu xilkii kaga qaaday wasiirka arrimaha gudaha iyo dowladaha hoose ee Galmudug Jaamac Xasan Salaad.

Ilo xog-ogaal ah aynu heleyno ayaa inoo sheegaya in wasiirka xilka laga qaaday lagu eedeeyay inuu howshii loo magacaabay uu si fiican u gudan waayay, wuxuuna wasiirka ka mid ahaa dhowr wasiir oo maalmihii ugu dambeysay ku kacsanaa madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Wasiiradaasi ku kacsan madaxweyne Guuleed ayaa la sheegayaa in iyagoo ku sugan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ay ka sheegeen inay taageersan yihiin mooshinkii xilka looga qaaday.

Madaxweyne Guuleed ayaa arrintaasi jawaab deg deg ah ka bixiyay, wuxuuna islamarkiiba xil ka qaadis ku sameeyay wasiirka arrimaha gudaha, kadibne xilkaasi u magacaabay nin lagu magacaabo Maxamed Xayir Nuur.

Hoos ka aqriso wareegtada xil ka qaadista iyo magacaabidda wasiirka cusub

error: Content is protected !!