Madaxweyne Xasan Sheekh oo ka hadlay doorashadii guddoonka baarlamaanka (DHAGEYSO)

Madaxweynaha dowladda federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka hadlay doorashadii 11-ka illaa 12-ka bishaan Janaayo ka dhacday xarunta golaha shacabka ee magaalada Muqdisho, taas oo lagu dooranaayay guddoonka cusub ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa marka hore hambalyo iyo bogaadin u diray xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya sida ay u muujiyeen mas’uuliyadda islamarkaana ay ku doorteen guddoonkooda.

Wuxuu Xasan Sheekh doorashadaasi ku tilmaamay mid Soomaaliya u horseedi doonta weji cusub, isagoona xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ku bogaadiyay qaabka fiican ay wax u doorteen.

Madaxweyne Xasan Sheekh ayaa guddoonka baarlamaanka Soomaaliya u rajeeyay inay shaqo fiican qabtaan, isagoona ugu baaqay inay ka fogaadaan is-qabqabsi siyaasadeed.

Ugu dambeyntii, madaxweyne Xasan Sheekh ayaa ugu baaqay baarlamaaanka cusub inay ku dadaalaan sidii loo dhameystiri lahaa doorashada weli harsan, taas oo uu kala jeedo tan madaxweynaha cusub ee Soomaaliya oo dhamaadka bishaan Janaayo dhici doonta.

error: Content is protected !!