Khilaaf aad u xoogan oo ka dhashay xubnaha matalaya gobolada waqooyi ee Aqalka Sare

Waxaa soo baxaya warar sheegaya in khilaaf cusub uu ka dhashay doorashada xubanaha Aqalka sare oo kasoo jeeda deegaanada Somaliland, iyadoo la filaayay in la doorto shanta xubnood ee harsan.

Guddoomiyaha guddiga doorashada Somaliland Jeneraal Jaamac Maxamed Qaalib oo warbaahinta la hadlay ayaa sheegay in khilaafku ku saabsan yahay awood qeybsiga beelaha dhexdooda oo la isku hayo in musharixiin hore isu sharxay la bedelo.

Qaar ka mid ah beelaha xildhibaanada ku yeeshay Aqalka hoose ayaa ka hor yimid inay beelahaasi isku sharaxaan xubnaha Aqalka sare, iyadoo ay jiraan beelo iyo jufooyin aan xilal siyaasadeed helin, taasoo keentay in madaxa la isla galo.

Si kastaba ha ahaatee, khilaafkaan ka dhex jira beelaha gobolada waqooyi ee Somaliland ayaa dib u dhac kale ku keeneysa doorashada madaxweynaha iyadoo aan Aqalka sare weli yeelan guddoon rasmi ah.

error: Content is protected !!