Midowga Yurub oo ciidamo ka mid noqon doonna militeriga Soomaaliya tababar usoo xiray (SAWIRO)

Ku dhawaad 100 askari oo ka mid noqon doonna ciidanka militeriga dowladda federaalka Soomaaliya ayaa tababar loogu soo gaba-gabeeyay xerada Jaziira ee ku taala duuleedka magaalada Muqdisho, waxaana tababarkaasi siinayay howlgalka Midowga Yurub ee Soomaaliya.

Saraakiisha ciidamada Midowga Yurub ee ku sugan dalka Soomaaliya ayaa dhawaan tababarka la siinayay ciidamadaasi dhawaan usoo wareejiyay gudaha dalka Soomaaliya, iyadoo markii hore ka dhici jiray dalka Uganda.

Xafladda qalin jebinta ciidankaasi ayaa waxaa goobjoog ka ahaa abaanduulaha ciidamada dowladda federaaalka Soomaaliya, saraakiisha ciidamada Midowga Yurub iyo kuwa AMISOM.

error: Content is protected !!