Digniin ku socota dadka faafinaya xumaanta gabadha dhawaan lagu kufsaday Goldogob

Waxaa maalmihii ugu dambeysay si aan hore loo arag baraha bulshada ee Soomaalidu ku xiriirto lagu faafiyay sawiro iyo muuqaal video ah oo ay ka muuqdaan wiilal yar-yar ah oo la sheegay inay gabar ku kufsadeen degmada Goldogob ee gobolka Mudug oo raacsan maamulka Puntland.

Dadka ku lug leh falkaan kufsiga ah ayaa isugu jira kuwo faaxishada iyo dambiga dhacay sii faafinaya, qaar inay ka xun yihiin ku doodaya haddana gacan ka geysanaya, kuwo wax-ma-garato ah oo falkaas ku doonaya inay fitno ka abuuraan si ay beelo walaalo ah isugu diraan.

Falkan ayaa xilliga uu dhacay waxaa laga joogaa ku dhawaad muddo bil ah ka hor inta aan la faafin, wuxuuna ka dhacay miyiga Goldogob, iyadoo lagu eedeeyay inay geysteen 6 wiil oo yar-yar da’adoodu u dhaxeeysa 13 ilaa 16 sano jir.

Ciidamada booliiska degmada Goldogob ayaa la xaqiijiyay inay gacanta ku dhigeen dhalinyarada marka laga reebo mid ka mid ah oo baxsaday, waxaana mid kale laga soo qabtay gudaha Itoobiya.

Dacwada kiiskaan ayaa la sheegayaa inay haatan ka socoto maxkamada degmada Goldogob, waxaana xaaladda gabadha ay dhibaatadu gaartay la sheegay inuu u wehliyo dhaawac mindi lagu dhuftay.

Waxaa haddaba isweydiin mudan cidda ka faa’iideysa in falkan laga dhigo filim laga daawado baraha bulshada, iyadoo uu yahay kiis ay gacanta ku hayaan hay’adaha ku shaqada leh, waxaana sidoo kale wax laga xishoodo ah in wiilal yar-yar ah oo la tuhunsan yahay muuqaaladooda la faafiyo.

Hadaba qof kasta oo ka qeyb qaatay faafinta sawiradda iyo video-ga falkaan ku saabsan, waxaa loogu baaqayaa inuu ka towbad keeno islamarkaana ka saaro bartiisa uu ku leeyahay meelaha ay bulshada ku xariirto, kana waantoobo inuu isagoo aan is-ogeyn naftiisa dambi usoo jiido.

error: Content is protected !!