Diyaarad Turkiga laga leeyahay oo ku dhacday dalka Kyrgzstan iyo qasaaraha ka dhashay (SAWIRO)

Diyaarad nooca xamuulka ah oo laga leeyahay  dalka Turkiga ayaa ku bur-burtay garoonka diyaaradaha magaalada Bishkek ee caasimadda dalka Kyrgzstan.

Shilkaasi diyaaradeed ayaa sheegaya inay dhinteen dhamaan dadkii saarnaa diyaaradda iyo sidoo kale dad deganaa guryo ay ku dul dhacday diyaaradaasi oo tiradoodu gaartay 32 qof.

Wasaarada caafimaadka ee dalkaasi Kysgztan ayaa sheegtay in duuliyihii diyaaradda iyo lix carruur ah ay ka mid yihiin dadka shilkaasi ku dhintay.

Diyaaradaan oo nooceedu uu yahay Boeng 747 ayaa ka timid dalka Hong Kong, waxayna u socotay magaalada Beshkek ee caasimadda dalka Kyrgzstan.

Sidoo kale waxaa shilkaan ku dhaawacantay tiro dad ah, kuwaas oo dhaawacyadooda la dhigay xarumaha caafimaadka ee ku yaala halkaas.

Shilkaan ayaa la sheegay inuu ka dhashay cimilada oo aad u xumeyd awgeed, waxaana sida la sheegay jiray baraf badan iyo aragtida oo xun, taas oo keentay inay dhacdo diyaaradda oo markaasi isku diyaarinaysay inay ku degto garoonka Bishkek.

Diyaaradaasi ayaa la sheegayaa inay kusii socotay magaalada Istanbul ee caasimadda dalka Turkiga.

error: Content is protected !!