Waxaa maanta kulankii ugu horeeyay magaalada Muqdisho ku yeeshay xildhibaanada Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoo kulankaasi lagu magacaabay guddiga qaban-qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare.
Xildhibaanada Aqalka sare oo haatan tiradooda gaareyso illaa 54 xubnood ayaa waxaa la qorsheeynayaa inay doortaan guddoomiyahooda iyo ku-xigeenada, waxaana guddiga loo magacaabay arrintaasi ay yihiin xildhibaano ka tirsan Aqalka Sare oo kasoo jeeda maamul goboleedyada dalka.
Sidoo kale, guddigaan ayaa qaban-qaanbin doonna doorashada guddoonka Aqalka sare oo lagu wado inay dhawaan ka dhacdo magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya, waxayna xubnaha guddigaasi la magacaabay kala yihiin sida hoose ku xusan:-
1- Prof. Maxamed Cismaan Faarax Dhagajuun – Maamulka Hirshabeele (Waxaa loo doortay guddoomiyaha guddiga)
2- Jawaahir Axmed Cilmi – Maamulka Galmudug.
3- Farxaan Cali Xuseen – Maamulka Puntland.
4- C/laahi Sheekh Ismaaciil Fartaag – Maamulka Jubbaland.
5- C/risaaq Axmed Cali – Maamulka Somaliland.
6- Xuseen Sheekh Maxamuud – Maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya.
Dhinaca kale, guddiga ayaa sheegay in diiwaan gelinta musharixiinta guddoonka Aqalka Sare ay dhici doonto 17-19-ka Janaayo, waxayna doorashada guddoonka sare oo ka kooban guddoomiye iyo laba ku-xigeen ay dhici doontaa 22-ka Janaayo 2017-ka.