Jeneraal Subagle oo shaaciyay go’aankii ay ka qaateen siyaasadda cakiran ee ka jirta Galmudug (SAWIRO)

Taliyaha ciidamada AMISOM Cismaan Nuur Subagle oo ay wehliyaan saraakiil kale oo AMISOM ka tirsan iyo Abaanduuliyaha ciidamada militeriga Soomaaliya ayaa maalintii shalay gaaray magaalada Cadaado ee xarunta maamulka Galmudug.

Uljeedka socdaalka wafdiga taliyaha AMISOM Cismaan Nuur Subagle iyo saraakiisha Soomaalida ayaa la sheegayaa inuu ahaa sidii looga hortagi lahaa xiisada siyaasadeed ee ka taagan magaalada Cadaado, taas oo laga yaabo inay keento isku dhac iyo gacan ka hadal.

Taliyaha AMISOM Cismaan Nuur Subagle ayaa sheegay inay wadahadal la yeesheen madaxweyne ku-xigeenka maamulka Galmudug Maxamed Xaashi Carabeey iyo saraaliisha ciidamada NISA iyo militeriga ee ku sugan magaalada Cadaado.

Wuxuu sheegay in dhamaaantood ay isku waafaqeen in ciidanka halkaasi ku sugan ay ilaaliyaan nabad-gelyada islamarkaana ay ka fogaadaan arrimaha siyaasadda, iyadoo ciidamadaasi waajibaadkooda ay u gudan doonaan si dhex-dhexaadnimo ah.

“Waxaa kulan la yeelanay madaxweyne ku-xigeenka Galmudug, waxaana la isku afgartay in ciidanka AMISOM iyo kuwa dowladda dhexe ee ku sugan Cadaado ay si dhex-dhexaadnimo waajibaadkooda u gutaan islamarkaana ay ka fogaadaan wixii siyaasad ku saleysan” Sidaas waxaa yiri Taliyaha AMISOM Cismaan Nuur Subagle.

Dhinaca kale, Jeneraal Subagle ayaa ugu baaqay siyaasiyiinta maamulak Galmudug inaan wax hub ah aan la isku adeegsan, balse waxkasta oo khilaafaad dhexdooda yaala lagu dhameeyo miiska wadahadalka.

“Waxaa siyaasiyiinta Galmudug ugu baaqayaa inay ka baaqsadaan inay ciidamada iyo maleeshiyooyinka u adeegsadaan xallinta xaaladaha siyaasadda, waxkasta oo khilaaf ah lagu dhameeyo miiska wada-hadalka” Sidaasi waxaa yiri Jeneraal Subagle.

Hadalkaan kasoo yeeray taliyaha AMISOM Cismaan Nuur Subagle ayaa kusoo beegmaya xilli xiisad siyaasadeed oo aad u kacsan ay ka jirto maamulka Galmudug, waxayna xiisadaan kasii dartay kadib markii qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka Galmudug ay shaaciyeen inay xilka ka qaadeen madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed.

C/kariin Xuseen Guuleed ayaa sheegay inaan wax xil ah laga qaadi karin, wuxuuna ku tilmaamay xildhibaanada xilka ka qaaday inay yihiin kuwa qas-wadayaal ah, isagoona muddo 90 maalmoood ah xaalad deg-deg ah geliyay maamulka Galmudug.

error: Content is protected !!