Magacyada musharixiinta gobolada waqooyi u matalaya Aqalka Sare ee maanta la dooranayo

Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka ayaa shaaciyay in maanta magaalada Muqdisho lagu dooran doono seddax kursi oo ka mid ah xubnaha matalaya gobolada waqooyi ee Aqalka sare baarlamaanka Soomaaliya.

Seddaxda kursi ee maanta la dooranaayo ayaa ka mid ah 5 kursi oo ka harsanaa Aqalka sare, kuwaas oo loo xayiran yahay si Aqalka sare u doorto guddoonkiisa, islamarkaana hore loogu wado doorashada madaxweynaha Soomaaliya.

Waxaa seddaxda kursi maanta ku tartami doonna 10 musharax, sida ay guddiga doorashooyinka qoraalkooda kusoo saareen, waxayna musharixiintaasi kala yihiin sida hoos ku xusan:-

Kursiga kowaad waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah:

1- Xuseen Ceelaabe Faahiye

2- Maxamed Aadan Waaberi

3- Axmed Cabdi Faahiye

4- Ayuub Cismaaciil Yuusuf.

Kursiga labaad waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah::

1- Hodan Abuukar Xuseen

2- Deeqa Xasan Xuseen

3- Amran Cilmi Fariid

Kursiga seddaxaad waxaa ku tartamaya musharaxiinta kala ah:

1- Cumar Maxamed Aadan Qaadi

2- Nuuro Faarax Jaamac

3- Caasho Axmed Cabdalla

error: Content is protected !!