Shariif Xasan oo sheegay in qaar ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed ay balantii uga baxeen (DHAGEYSO)

Madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed ee Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa maanta sheegay in qorshihii uu ku doonayay beelaha Digil iyo Mirifle ay ku noqdaan madaxweyne ama ra’iisul wasaare uu socon waayay balse ay sameeyeen dadaal xoogan.

Shariif Xasan Sheekh Aadan oo maanta dib ugu soo laabtay magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa warbaahinta u sheegay in maamulkiisa uu sameeyay isku day weyn, balse dadkii walaalaha ahaa qaarkood ay balanta uga baxeen.

Sidoo kale, Shariif Xasan ayaa sheegay inaysan marnaba ka daali doonin dadaalka ay beelaha Koonfur Galbeed ugu jiraaan sidii ay ku heli lahaayeen xilka madaxweynaha ama ra’iisul wasaaraha Soomaaliya, balse aysan haatan u dhicin sidii la filaayay.

Ugu dambeyntii, madaxweynaha Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan ayaa sheegay in xildhibaanada¬†Koonfur Galbeed Soomaaliya ay balanta uga baxeen, maadaama hamigisa ugu sareeya uu ahaa in beelaha dega Koonfur Galbeed ay helaan xilka madaxweyne ama ra’iisul wasaarenimo.

error: Content is protected !!