Ciidanka NISA oo soo bandhigtay lacago been abuur ah oo lagu sameeyay Muqdisho (SAWIRO)

Hay’ada nabad-sugidda iyo sirdoonka qaranka Soomaaliya ee NISA ayaa howlgal ay ka sameeyeen degmada Waaberi ee magaalada Muqdisho kusoo qab-qabtay illaa 6 qof oo gacanta kula jiray sameynta lacago dollar oo been abuur ah.

Ciidanka nabad-sugidda ee NISA ayaa sidoo kale howlgalkaasi kusoo qabtay makiinadaha lagu sameyn jiray lacagahaasi dollarka ee been abuurka ah, iyagoona maanta saxaafadda usoo bandhigay waxyaabihii ay howgalka kusoo qabteen.

Inta uu howlgalka socday ayaa la sheegayaa inay israsaaseyn dhex-martay ciidanka nabad-sugidda ee NISA iyo kooxaha falkaasi gacanta kula jiray, waxaana ku geeriyooday 1 askari oo ka tirsanaa ciidankaas, iyadoona askari kale uu dhaawac soo gaaray.

Dhinaca kale, war qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda nabad-sugidda qaranka ayaa lagu sheegay in baaritaano dheeraad ah lagu sameeyn doonno dadkaan loo soo qabtay sameynta lacagaha dollarka been abuurka ah, sidoo kalena lagu daba-joogo rag kale oo falkaasi ku lug leh.

error: Content is protected !!