C/risaaq Juurile oo beeniyay inuu u sharaxan yahay xilka guddoomiyaha Aqalka Sare (DHAGEYSO)

C/risaaq Cismaan Juurile oo ka mid ah xildhibaanada Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa si kulul u beeniyay warar been abuur ah oo maalmihii ugu dambeysay ay qorayeen warbaahinta Soomaalida.

Warbaahinta qaar ee Soomaalida ayaa qoray in C/risaaq Cismaan Juurile uu u tartami doonno xilka guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, isagoona hadalkaasi ku tilmaamay mid aan waxba ka jirin.

Mudane Juurile ayaa sidoo kale sheegay in aysan jirin shir beesha Daarood isugu timid oo ay ku go’aansadeen inay ku raadsadaan kursiga guddoomiyaha Aqalka Sare, islamarkaana ay isaga u sharaxaan xilkaas.

Wuxuu Juurile tilmaamay in warkaasi uu yahay mid been abuur ah islamarkaana aanay jirin meel ay beesha Daarood ku shirtay ama ay ku heshiiyeen in kursiga guddooomiyaha Aqalka Sare ku raadsadaan.

Dhinaca kale, C/risaaq Cismaan Juurile ayaa sheegay in kursiga guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya uu yahay mid loo qoondeeyay mudanayaasha ka yimid Somaliland, marka la raaco heshiiska aan qorneyn, laakiin la isticmaalo.

“Waxaa la ii sheegay in warbaahinta qaarkood ay beryahaan qorayeen in beesha Daarood shirtay ayna go’aansatay inay raadsadaan guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, kulankaasi waxba kama jiro, balse waxaa guddoonka Aqalka sare ee baarlamaanka loo qoondeeyay in beelaha dega gobolada waqooyi ee Somaliland uu guddoomiyaha dhinacaasi ka yimaado, anigane uma sharaxni xilkaasi” Sidaasi waxaa yiri C/risaaq Cismaan Juurile

Ugu dambeyntii, C/risaaq Cismaan Juurile ayaa ugu baaqay wariyaasha Soomaaliyeed inay hubsadaan wararka ay faafinayaan, islamarkaana ay bulshada Soomaaliyeed u gudbiyaan warar ay xaqiiqsadeen jiritaankiisa.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka kasoo yeeray C/risaaq Cismaan Juurile ayaa kusoo beegmaya xilli maalmihii ugu dambeysay ay waarbaahinta Soomaalida qaarkood baahiyeen warar sheegaya in beesha Daarood ay damacsan tahay inay Mr. Juurile u sharaxaan tartanka doorashada guddoomiyaha Aqalka Sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!