Magacyada musharixiinta Banaadiriga ee maanta ku tartameeyso kuraas ka mid ah Aqalka hoose

Waxaa maanta magaalada Muqdisho ka socota doorashada kuraas ka mid ah Aqalka hoose ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya, iyadoona ay ku tartamayaan musharixiin kasoo jeeda beelaha Banaadiriga ah.

Ilaa labo kursi oo ka mid noqon doonno xildhibaanada baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa lagu wadaa in maanta lagu doorto magaalada Muqdisho.

Labadaan kursi ayaa ahaa kuwii ka harsanaa xildhibaanada beelaha Banaadiriga oo doorashadoodu maanta ka dhaceeyso magaalada Muqdisho, waxaana musharixiinta ku tartameeyso kala yihiin sida soo socoto:-

Kursiga koowaad waxaa ku tartamaya:-

1- Biibi Khaliif Maxamed

2- Qamar Isloow Nuur.

Kursiga labaad waxaa ku tartamaya:-

1- Caamir Axmed Maxamed

2- Lutfi Shariif Maxamed

3- Shariif Maxamed Cali.

error: Content is protected !!