Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Galmudug uu shaaciyay inay bilaabeen qabashada araajida musharixiinta doonaysa inay xilkaasi u tartamaan.
Afhayeenka guddiga qaban-qaabada doorashada madaxweynaha Galmudug Maxamed C/laahi ayaa sheegay in qabashada araajida musharixiinta ay socon doonto 18-ka illaa 31-ka bishaan Janaayo.
Sidoo kale, afhayeenka guddiga ayaa sheegay in shuruudaha laga rabo shaqsiga u tartamaya xilka madaxweynaha maamulka Galmudug ay yihiin sida soo socota:-
– In musharaxa u tartamaya xilka madaxweynaha uu soo gudbiyo hantida uu hadda leeyahay
– Inay da’diisu ka weyn tahay 40 sano kana yar yahay 75 sano jir.
– In aysan wax maxkamad ah ku xukumin dambi.
– In aqoontiisa ay gaarsiisan tahay heer Jaamacadeed, lehna waayo-aragnimo hogaamineed.
Dhinaca kale, hadii xaaladda sidaan kusii socoto ayaa waxaa laga cabsi qabaa in maamulka Galmudug ay yeelato labo madaxweyne, iyadoona C/kariin Xuseen Guuleed uu weli diidan yahay in xil ka qaadis ay ku sameeyeen qaar ka mid ah xildhibaanada baarlamaanka ee maamulkiisa.