Beesha Hawiye oo dadaal xoogan ugu jirta inay hesho guddomiye ku-xigeenka Aqalka sare ee baarlamaanka

Waxaa haatan magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ka socota qaban-qaabada doorashada guddoonka Aqalka sare ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoona doorashadaasi ay ku tartami doonaan musharixiin aad u badan.

Xilalka guddoonka Aqalka Sare ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa waxaa lagu qeybsaday awood qeybsiga 4.5, waxaana sida la ogyahay xilka guddoomiyaha loo qoondeeyay beesha Dirta waqooyi, halka guddoomiye ku-xigeenada koowaad iyo labaad ay ku loolami doonaan beelaha Hawiye, Daarood iyo kuwa kale.

Xilka guddomiye ku-xigeenka Aqalka Sare ee baarlamaanka ayaa haatan u muuqda mid ay olole ugu jiraan beesha Hawiye, waxaana musharaxiinta xilkaan doonaya ka mid ah, milkiilaha idaacadda Goobjoog Abshir Maxamed Axmed (Bukhaari) iyo Cabdi Axmed Dhuxulow oo labadaba kasoo jeeda beesha Hawiye.

Hadaba beeshii kusoo baxda guddoonka Aqalka sare ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa la sheegayaa inay weyn doonto tirada wasiir ay ka heli laheyd xukuumadda cusub ee lasoo dhisi doono, taasoo ay ugu wacan tahay awood qeybsiga beelaha dhexdooda ah.

Dhinaca kale, guddiga doorashada guddoonka Aqalka sare ee baarlamaanka ayaa ilaa iyo haatan qabtay arjiga hal musharax, waxaana lagu wadaa in illaa maalinta berito ay musharixiin badan kale ay codsiyadooda musharaxnimo geeyaan.

error: Content is protected !!