Sheekh Shariif oo kulan aan caadi ahayn maanta la yeeshay safiirka UK ee Soomaaliya (SAWIRO)

Madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd, ahna musharax haatan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa maanta kulan aan caadi ahayn la yeeshay safiirka cusub ay UK usoo dirtay dalka Soomaaliya Amb. David Concar.

Kulankaasi oo ka dhacay safaaradda dalka UK ee ku taalo xarunta Xalane ee magaalada Muqdisho ayaa waxay labada dhinac uga wada-hadleen arrimaha doorashooyinka Soomaaliya iyo walaaca ay haatan musharixiinta ka qabaan in doorashada sanadkaan loo adeegsado musuq-maasuq.

Sidoo kale kulankaasi ayaa diiradda lagu saaray in dalka Soomaaliya uu haatan u baahan yahay hogaan cusub, balse ay arrintaasi ku imaan karto oo kaliya in laga fogaado arrimaha musuqa.

Doorashada madaxtinimada dalka Soomaaliya ayaa qorshaheedu ahaa inay ugu dambeyn dhacdo 24-ka bishaan Janaayo, balse waxaa haatan muuqata in doorashadaasi uu markale dib u dhac ku imaan doono.

Dhinaca kale, ilo xog-ogaal ah oo aynu helnay ayaa sheegaya in doorashada madaxweynaha cusub ee Soomaaliya ay dhici doonto 5-ta bisha Febraayo ee sanadkaan, hadii aanay qorshuhu markale is-badalin.

Waxyaabaha dib u dhaca u keeni kara doorashada ayaa ah sida soo socota:-

1- In weli aan lasoo dhameystirin xildhibaanada Aqalka hoose ee baarlamaanka

2- In weli ay dhiman tahay doorashada guddoonka Aqalka sare ee baarlmaanka.

3- In weli aan la xallin 5-tii xildhibaan ee guddiga xalinta khilaafaadka soo jeediyay in doorashadooda dib loogu celiyo

error: Content is protected !!