Wafdi uu hogaaminaayo wasiir Odowaa oo goordhaw gaaray magaalada Cadaado (AKHRISO)

Wararka naga soo gaaraya magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in goordhaw uu halkaasi gaaray wafdi uu hogaaminayo wasiirka arrimaha gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya C/raxmaan Maxamed Xuseen (Odowaa).

Wafdiga wasiir Odowaa oo ka kooban xildhibaanada labada Aqal ee baarlamaanka Soomaaliya ayaa uljeedka ay ku gaareen magaalada Cadaado la sheegayaa inay la xiriirto sidii xal ugu heli lahaayeen xiisadaha siyaasadeed ee ka taagan magaaladaasi iyo sidoo kale kacdoonka siyaasaseed ay halkaasi ka wadaan xildhibaanada maamulka Galmudug.

Qaar ka mid ah xildhibaanada maamulka Galmudug ayaa dhawaan shaaciyay inay xilkii ka qaadeen madaxweynaha maamulkaasi C/kariin Xuseen Guuleed, kadib markii ay ku eedeeyeen inuu xilkii u gudan waayay sidii loogu doortay.

Dhinaca kale, wafdiga C/raxmaan Odowaa ayaa la sheegayaa in saacadaha soo socdo ay kulamo kala gaar ah la yeeshaan dhinacyada isku haaya maamulka Galmudug, iyadoona odayaasha magaalada Cadaado ay tan iyo saakay magaaladaasi ka wadeen dadaalo ay ku doonayaan inay ku xaliyaan xiisada siyaasadeed ee magaaladaasi ka jirta.

error: Content is protected !!