Xildhibaan Cismaan Caato oo sheegay in la dhameystiray mooshinkii xil ka qaadista ee madaxweyne Shariif Xasan

Wararka naga soo gaaraya magaalada Baydhabo ee xarunta gobolka Bay ayaa sheegaya in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ay haatan dhameystireen mooshinka ay xilka uga qaadayaan madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Xildhibaanadaasi ayaa ku eedeeyay madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Soomaaliya Shariif Xasan Sheekh Aadan inuu gudan waayay waajibaadkii loo doortay islamarkaana uu siyaasado kale ku mashquulay.

Xildhibaan Cismaan Maxamed Caato oo ka mid ah xildhibaanada Koonfur Galbeed Soomaaliya islamarkaana ka mid ah kuwa mooshinka diyaariyay ayaa warbaahinta u sheegay in Shariif Xasan Sheekh Aadan uu xilka u gudan waayay sidii loogu doortay.

Illaa 80 xildhibaan ayaa la sheegayaa inay taageersan yihiin mooshinka xilka looga qaadayo madaxweynaha maamulka Koonfur Galbeed Shariif Xasan Sheekh Aadan.

Dhinaca kale, xildhibaan Cismaan Caato ayaa sheegay in marka kal-fadhiga baarlamaanka Koonfur Galbeed uu furmo ay mooshinkaasi u gudbin doonaan shir guddoonka baarlamaanka maamulkaas.

Warbaahinta Bulshoweyn ayaa maalintii Axadda ahayd daabacday in xildhibaano ka tirsan baarlamaanka maamulka Koonfur Galbeed ay qorsheeynayaan inay mooshin ka diyaarinayaan madaxweynaha maamulkaasi Shariif Xasan Sheekh Aadan, iyadoona dastuurka maamulkaasi uu qoraayo in illaa 90 xildhibaan ay xilka ka qaadi karaan madaxweynaha.

HALKAAN KA AQRISO WARBIXINTA AA HORE U QORNAY

error: Content is protected !!