Ciidanka nabad-sugidda Puntland oo gacanta ku dhigay sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab

Wararka naga soo gaaraya magaalada Boosaaso ee gobolka Bari ayaa sheegaya in ciidanka nabad-sugidda maamulka Puntland ay gacanta ku dhigeen sarkaal ka tirsan Xarakada Al-shabaab.

Sarkaalkaasi gacanta lagu dhigay ayaa lagu soo eedeeyay inuu qeyb ka ahaa dilalkii qorsheysnaa ee dhawaanahaan ka dhacay magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari.

Gudoomiyaha gobolka Nugaal Cumar C/laahi Faraweyne ayaa sheegay in ciidamada nabad-sugidda Puntland ay qabteen sarkaalkaan, islamarkaana uu haatan ku socdo baaritaan xoogan.

Wuxuu Faraweyne sidoo kale sheegay in sarkaalkaasi haatan su’aalo la weydiinayo islamarkaana dhawaan loo soo bandhigi doonno saxaafadda.

Dhinaca kale, ma jirto warar madax banaan oo xaqiijinaya in ninkaan la qabtay uu ka tirsan yahay Al-shabaab iyo inkale, balse waxaa la xaqiijiyay inuu qeyb ka ahaa Al-shabaabka ka howlgala gobolka Bari.

Si kastaba ha ahaatee, muddooyinkii ugu dambeysay waxaa magaalada Boosaaso ka dhacay falal lagu dilay saraakiil iyo mas’uuliyiin kala duwan oo maalmo gudahood lagu dilay iyadoo dilalkaasina ay Al-shabaab sheegatay.

error: Content is protected !!