DEG DEG:- Majaajiliistaha caanka ah ee AJAKIS oo galabta lagu xiray magaalada Hargeysa

Wararka haatan naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in ciidanka nabad-sugidda ee maamulka Somaliland ay galabta xabsiga u taxaabeen majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere oo ku magac dheer AJAKIS.

Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) ayaa la sheegayaa in laga qabtay garoonka caalamiga ah ee Cigaal International Airport ee magaalada Hargeysa, waxaana xilliga la xiraayay la sheegay inuu kusii jeeday magaalada Jig-jiga ee caasimadda maamulka Soomaalida Itoobiya.

Ilaa iyo haatan lama oga sababta rasmiga ee loo xiray majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere Ajakis, balse wariyaasha warbaahinta Bulshoweyn ee ku sugan magaalada Hargeysa ayaa sheegaya in loo xiray sababo la xiriira barnaamij uu teleefishinka Universal ka jeediyo ee lagu magacaabo “FAALIYAHA QARANKA”

Barnaamijka FAALIYAHA QARANKA ayaa ah barnaamij ay si weyn u dhibsadeen siyaasiyiinta ka tirsan maamulka Somaliland, wuxuuna AJAKIS dhowr jeer hore barnaamijkaasi ku aflagaadeeyay siyaasiyiinta Somaliland.

Wixii warkaan kusoo kordha dib kala soco Insha Allaah

error: Content is protected !!