Faah faahin:- Dagaalyahanada Al-shabaab oo muddo saacado ah xalay la wareegay degmada Afgooye

Waxaa faah faahin dheeraad ah laga helayaa weerar aad u xoogan oo ay dagaalyahanada Al-shabaab habeenkii xalay ku qaadeen degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalkaasi oo muddo saacado ah socday ayaa la sheegayaa inuu yimid kadib markii dagaalyahanada Al-shabaab ay weerar balaaran kusoo qaadeen fariisimo ay ciidanka dowladda Soomaaliya iyo kuwa AMISOM ku leeyihiin degmada Afgooye ee gobolka Sh/hoose.

Dagaalyahanada Al-shabaab ayaa dagaalkaasi kadib u suurto-gashay inay gudaha u galaan degmada Afgooye, iyadoo muddo saacado ah ay degmadaasi is-qabsaday rasaas xoog leh oo is-dhaafsanayeen ciidamada huwanta ah iyo dagaalyahanada Al-shabaab.

Dhinaca kale, dagaalyahanada Al-shabaab ayaa sheegtay in weerarkii xalay uu ahaa mid qorsheysan islamarkaana ay kula wareegeen degmada Afgooye, waxayna sheegeen inay weerarkaasi ku dileen ilaa 5 skari, kadibna ay isaga baxeen.

Ma jiro wax war ah oo illaa iyo haatan kasoo baxay dhinaca dowladda federaalka Soomaaliya, kaas oo ay kaga hadlayaan qasaaraha kasoo gaaray dagaalkaasi.

Sidoo kale, lama oga qasaaraha dhabta ah ee ka dhashay dagaalkaasi, marka laga reebo sheegashada ay Al-shabeeb sheegteen inay dileen 5 askari.

error: Content is protected !!