Guddoonka baarlamaanka oo casho sharaf aan caadi ahayn u sameeyey xildhibaanada labada Aqal (SAWIRO)

Guddoomiyaha golaha shacabka jamhuuriyadda federaalka Soomaaliya Mudane Maxamed Sheekh Cusmaan “Jawaari” iyo guddoomiye ku-xigeenka koobaad ee golaha shacabka Mudane C/weli Sheekh Ibraahin Muudeey ayaa ka qeybgalay casho sharaf ay guddoonka golaha shacabka u sameeyeen xildhibaannada labada Aqal ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya.

Munaasabadda casho sharafta ah oo ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa kasoo qeybgalay inta badan xildhibaannada baarlamaanka federaalka Soomaaliya oo la isku yiraahdo labada Aqal ee kala ah Golaha shacabka iyo Aqalka Sare, wasiirro, howlwadeennada baarlamaanka, fanaaniin iyo marti sharaf kale.

Xildhibaanno ka tirsan baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa munaasabadda ka jeediyey khudbado ku aadan xaaladda uu baarlamaankan ku shaqo bilaabay iyo shaqooyinka ay ka dhowrayaan umadda Soomaaliyeed waxaana khudbadaha ay ka turjumayeen khibradda xildhibaannada baarlamaanka mudada fog kusoo jiray iyo xildhibaanada golaha ku cusub ee u badan dhalinyarada, kuwaasi oo helay fursad ay dalkooda ugu adeegi karaan.

Munaasabadda intii ay socotay waxaa suugaan wadani ah oo u badan guubaabo kusoo bandhigay fanaaniinta kooxda deegaan oo ka tirsan wasaaradda kaluumeeysiga ayadoo ay cashadaan noqoneyso munaasabaddii ugu horeeysay ee guddoonka la doortay ay u sameeyaan xildhibaannada doortay.

-DHAMAAD-

Xafiiska Warfaafinta iyo Xiriirka Dadweynaha Ee Guddoonka Baarlamaanka
Media and Public Relation Office Of Speaker

error: Content is protected !!