Siyaasiyiin iyo musharixiin ku biiray ololaha doorasho ee Sheekh Shariif Sheekh Axmed (SAWIRO)

Waxaa kulan aan caadi ahayn magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya ku yeeshay musharixiin iyo siyaasiyiin caan ah oo taageersan ololaha musharaxnimo uu haatan waddo madaxweynihii hore ee dowladdii KMG ahayd Sheekh Shariif Sheekh Axmed.

Siyaasiyiintaasi ayaa sheegay inay ka hortagi doonaan in markale dib loo soo doorto madaxweynaha haatan xilka haaya Xasan Sheekh Maxamuud.

Inta badan musharixiinta iyo siyaasiyiinta sanadkaan u taagan xilka madaxweynaha Soomaaliya ayaa kasoo horjeeda in madaxweyne Xasan Sheekh dib loo soo doorto, iyadoona kulanka siyaasiyiintaan ay la yeesheen Sheekh Shariif uu qeyb ka yahay ololaha looga soo horjeedo musharaxnimada Xasan Sheekh Maxamuud.

Siyaasiyiinta kulanka la yeeshay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa waxaa ka mid ah:- Cali Maxamed Geedi, Salaad Cali Jeele, C/raxmaan Ibraahim Cali “Shiiraar”, Garaad Cageey, Xildhibaan C/wahaab Ugaas Xuseen Ugaas Khaliif, Xuseen Caraale Caddaan iyo xubno kale oo badan.

Dhinaca kale, Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa hore taageero buuxo uga helay madaxweynaha maamulka Hirshabeele Cali C/laahi Cosoble iyo madax kale oo aan magacyadooda weli la shaacin, kuwaas oo uljeedkoodu yahay in laga hortago dib u doorashada Xasan Sheekh Maxamuud.

Si kastaba ha ahaatee, musharixiinta iyo siyaasiyiinta kulanka la yeelatay Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa ku eedeeyay Xasan Sheekh Maxamuud in 4-tii sano ee lasoo dhaafay uu dalka u horseeday dib u dhac iyo musuq-maasuq aad u baahsan.

error: Content is protected !!