Uganda oo sheegtay inay jawaab deg deg ah ka bixin doonto dilka loo geystay askari dalkooda u dhashay

Dowladda Uganda ayaa shaaca ka qaaday inay jawaab deg deg ah ka bixin doonto dil ay dagaalyahanada Al-shabaab u geysteen askarigii maxbuuska ahaa ee u dhashay Uganda, balse ka tirsanaa ciidanka midowga Afrika ee AMISOM.

Col. Paddy Ankunda oo ah taliyaha ciidanka Uganda ayaa mar uu warbaahinta kula hadlay magaalada Kampala sheegay in Al-shabaab ay ka shalaayi doonto dilka arxan darrada ah ay u geysteen askariga Ugandheeska ah, wuxuuna sheegay in falka ay ku kacday Al-shabaab uu yahay mid kasoo horjeedo sharciyada adduunka.

Askariga la dilay oo lagu magacaabi jiray Pte Masasa ayaa sida la sheegay deegaan ahaan kasoo jeeda deegaanka Busia ee dalka Uganda, waxayna Shabaabka askarigaasi ku qabteen saldhiga ciidamada ee ku yaala deegaanka Janaale ee gobolka Sh/hoose, halkaas oo ay dagaal ku qaadeen dhamaadka 2015-ka.

Dhinaca kale, Al-shabaab ayaa dhawaan baraha bulshada soo dhigay muuqaal film ah, kaas oo ku saabsanaa dilka ay ku fuliyeen askarigaasi, isagoo intii aan la dilin kahor fariin u kala diray dowladaha Uganda iyo Kenya oo ay haatan ciidankooda ka joogaan dalka Soomaaliya.

error: Content is protected !!