Ajakis “Nin lagu magacaabo Maxamed Yuusuf uu siyaasi Cakuse adeer u yahay ayaa i xumeeyay..” (DHAGEYSO)

Majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo maalintii shalay lagu xiray garoonka diyaaradaha magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa maanta dib loogu soo celiyay magaalada Muqdisho ee caasimadda dalka Soomaaliya.

Ajakis oo wareysi siiyay mid ka mid ah idaacadaha magaalada Muqdisho ayaa sheegay in sababta loogu xiray magaalada Hargeysa ay aheyd in lagu eedeeyay inuu teleefishinka Universal ka aflagaadeeyay siyaasiyiinta Somaliland.

Ajakis oo daadihiye ka ah barnaamijka “Faaliyaha Qaranka” ee ka baxa teleefishinka Universal xaruntiisa magaalada Muqdisho ayaa sheegay in xarigiisa uu ka dambeeyay nin uu magaciisa ku sheegay Maxamed Yuusuf oo siyaasiga Cakuse adeer u ah.

“Nin lagu magacaabo Maxamed Yuusuf uu siyaasi Cakuse adeer u yahay ayaa i xumeeyay, wuxuuna igu yiri waxaad TV-ga ka aflagaadeysay adeerkey iyo siyaasiyiinta Somaliland, waxaana markaasi kadib la igu xiray saldhig ku yaala Hargeysa” Sidaas waxaa yiri Cabdi Muriidi Dheere “Ajakis”

Dhinaca kale, Ajakis ayaa sheegay in maareeyaha garoonka diyaaraha Cigaal ee magaalada Hargeysa uu dharbaaxeeyay islamarkanaa ula dhaqmay si ka baxsan bin-aadanimada, isagoona tilmaamay intii uu saldhiga ku xirnaa uu ku xanuunsaday.

Ugu dambeyntii, Ajajkis ayaa sheegay inuu haatan ku sugan yahay gurigiisa ku yaala magaalada Muqdisho, islamarkaana uu ka nasanayo safarkii iyo daalkii uu kasoo qaaday xariga loogu geystay magaalada Hargeysa ee caasimadda maamulka Somaliland.

error: Content is protected !!