DEG DEG:- Majaajiliiste AJAKIS oo laga soo masaafuriyay Somaliland kuna soo wajahan magaalada Muqdisho

Wararka naga soo gaaraya magaalada Hargeysa ee maamulka Somaliland ayaa sheegaya in majaajiliistaha caanka ah ee Cabdi Muriidi Ajakis maanta halkaasi laga soo saaray duulimaadka diyaaradda African Airways, isagoona haatan kusoo wajahan garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho.

Majaajiliiste AJAKIS ayaa la sheegayaa in gelinkii dambe ee shalay lagu xiray garoonka diyaaradaha Cigaal ee magaalada Hargeysa, kadib markii ay saraakiisha ciidanka laanta socdaalka Somaliland ku eedeeyeen inuu deegaanada Somaliland soo galay isagoo aan haysan wax ogolaanshiyo ah.

Maalintii shalay ayuu majaajiliiste Ajakis kasoo dhoofay garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee Muqdisho, wuxuuna Transit ku ahaa garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa.

Majaajiliiste Ajakis ayaa xilligii lagu xiraayay garoonka Cigaal ee magaalada Hargeysa kusii jeeday magaalada Jig-jiga ee caasimadda deegaanka maamulka Soomaalida Itoobiya.

Cabdi Muriidi “Ajakis” ayaa ka mid ah majaajiliistayaasha Soomaalida kuwooda ugu caansan, wuxuuna la shaqeeyaa teleefishinka “UNIVERSAL-TV” xaruntiisa magaalada Muqdisho.

Ajakis ayaa sidoo kale soo-saare ka ah barnaamijka “Faaliyaha Qaranka” ee lagu falanqeeyo kaftan siyaasadeedka ay sida weyn u dhibsadaan siyaasiyiinta ka tirsan maamulka Somaliland.

error: Content is protected !!