Khudbahada musharixiinta guddoonka Aqalka sare oo haatan socota iyo qaabka loo qeybsaday (AKHRISO)

Waxaa goordhaw magaalada Muqdisho ka bilawday khudbadaha ay jeedinayaan musharixiinta u tartamaya xilka guddoomiyaha Aqalka sare iyo ku-xigeenadiisa ee baarlamaanka federaalka Soomaaliya. 

Kulanka Aqalka sare oo maanta ku furmay illaa 33 xildhibaan, ayaa ah mid lagu dhageysanayo khudbadaha musharixiinta guddoonka Aqalka Sare, waxaana sidoo kale lagu dhaariyay illaa 3 xildhibaan cusub ee ka mid noqon doonna Aqalka sare.

Xilka guddoomiyaha Aqalka sare ee baarlamaanka ayaa loo saadaalinayaa inuu ku guuleysan doono Cabdi Xaashi  C/laahi.

Cabdi Xaashi C/laahi ayaa xilkaasi kula tartamaya musharax da’yar oo lagu magacaabo Mustafe Maxamed Qodax, kaas oo hore u ahaa Xog-hayaha Xisbiga Mucaaradka Somaliland ee Wadani.

Khudbadaha ay haatan jeedinayaan dhammaan musharixinta ku tartamaysa doorashada Aqalka Sare ayaa lagu wadaa inay maanta soo gaba-gaboowda, si maalinta berrito loo qabto doorashada.

Dhamaan musharixiinta ayaa lagu qeybiyay qaab deegaan ahaan, waxayna kala yihiin sida soo socota:-

Xilka guddoomiyaha Aqalka Sare waxaa ku tartamaya:-

1- Cabdi Xaashi C/laahi (Somaliland)

2- Mustafa Maxamed Qodax (Somaliland)

Musharixiinta guddoomiye ku-xigeenka koowaad waxaa ku tartamaya:-

1- Xasan Faarax Xujaale (Jubbaland)
2- Axmed Xaashi Maxamuud (Jubbaland)
3- C/waaxid Cilmi Cumar (Galmudug)
4- Abshir Maxamed Maxamuud (Galmudug)
5- Cabdi Axmed Dhuxuloow (Galmudug)
6- Maxamuud Axmed Maxamuud Mashruuc (Puntland)
7- C/risaaq Cismaan Cali Juriile (Puntland)

Musharixiinta guddoomiye ku-xigeenka labaad waxaa ku tartamaya:-

1- Hodan Maxamuud Cismaan (Puntland)
2- Sacdiyo Xasan Cismaan ( Puntland)
3- Cismaan Axmed Macoow (Hirshabeele)
4- Fartuun C/qaadir Faarax (Hirshabeele)
5- C/kaafi Macalin Xasan (Koonfur Galbeed)
6- Mowliid Xuseen Guuleed (Jubbaland)
7- Iftiin Xasan Baasto (Jubbaland)

error: Content is protected !!