Maxkamadda ICJ oo go’aan kama dambeys ah kasoo saari doonta dacwadda Kenya iyo Soomaaliya

Maxkamadda Caalamiga ee Cadaaladda Aduunka (ICJ) oo ku taalla magaalada Hague ee dalka Netherlands ayaa dhawaan go’aan kama dambeys ah ka gaari doonta dacwadii Kenya iyo Soomaaliya ee soohdinta badda u dhaxeeysa labada dal.

Qoraal ay maxkamadda ICJ soo saartay ayaa lagu sheegay in 2-da Febraayo 2017-ka¬†ay maxkamadda ku dhawaaqi doonto go’aanka kama dambeyska ah ee quseeya diidmada hordhaca ah ee Kenya ee dacwadda soohdinta badda ay Soomaaliya kusoo oogtay Kenya.

Maxkamadda ICJ ayaa looga fadhiyaa inay dacwadaasi u gasho sida ay Soomaaliya dooneyso ama inay u aragto in aanay geli karin dacwadaan sida ay Kenya dooneyso.

Qoraalka ay maxkamadda ICJ soo saartay ayaa u qornaaa sida hoose ku xusan:-

error: Content is protected !!